
Marka qabyaalad la soo qaado waxa Soomaalida badankeeda qalbigooda ku soo dhacaya “qabiil.” Haddaba su’aasha jawaabta u baahani waxa weeye : Maxay kala yihiin qabiilka iyo qabyaaladdu?” Malaha haddii xarafka “Qa” ay ka wada kacaan waa isku mid. “Oo haddana kuye “Badbaado iyo baa’ba ba” xaraf bay ka wada kacaane side wax yihiin? QabiilkaQabyaaladda iyo qabiilku waa laba wax oo kala gaar ah. Qabiilku waa sumad ama astaan cid lagu garto. Tusaale ahaan: qof kaasi waar reer hebel ama waa reer Bosaso ama waa reer Muqdisho iwm ahi waa sumad la isku tilmaansado. Weliba sumadda qabiilku wey ka faa’iido badan tahay mararka qaar sumadda degaanka(gobolka, xibsiga, degmada iwm ah.) Waayo magaca qabiilku waa ciwaan aan qofka ka hadhin meel kasta oo uu tago.Haddii adiga oo London jooga aad qof tuulo u dhaw Hargeysa jooga lacag u dirayso, marka qofka seddexdiisa magac la qoro haddii la raaciyo “waar eer Hargeysa,” taasi waa hubaal inaan lacagtaasi sahal ugu tegaynin qof kaas. Waxa kale oo dhici karta in qof kaasi magaaladii lagu ogaaba ka guuro, taasina waxay meesha ka saaraysaa sumaddii degaanka ee qofka lagu asteeyey. Laakiin haddii la raaciyo qofka magaciisa sumadda qabiilka “waar reer hebel” waxa la sheegay ciwaan si sahal ah qof kaas lacagta u gaadhsiinaya. Waayo waxa magacii lagu ladhay ciwaan qofka meel kasta oo uu aado aan ka hadhaynin. Markaa magaca qabiilku waa ciwaan qofka la guur-guura oo hadba meesha qofku aado u raaca. Sumaddaa faa’iidadeeda Quraanka ayaa inoo qeexay inay tahay wax la isku garto oo keliya, inay taasi dhab tahayna waxa og oo si cad u soo taabtay shirkadaha xawaaladaha. Dad badan oo Soomaali ahina wey ka markhaati furayaan. Maskaxda ku hay waxa keliya ee la sharxayaa waa waxa u dhexeeya qabiilka iyo qabyaaladda. QabyaaladdaWaa maxay qabyaaladdu? Jawaabta su’aashan waxa dhici karta in siyaabo kala duwan loo arko. Qabyaaladdu ma qabiil baa? Ma marka qabiil wax lagu dulmiyo oo keliya baa qabyaalad ah? Mise siyaabo badan oo wax loo dulmiyo ayaa qabyaalad ah? Adduunyada dadka ku nooli siyaabo kala duwan bay wax u qabyaaladeeyaan. Noocyada qabyaaladda ee dunida ka jiraa way faro badan yihiin, waxaynu se tusaale u soo qaadan karnaa: Qabyaaladda midabka, ta diimaha, ta qabiilka, ta gobolaysiga iyo ta xisbiyada. Dad badan baa laga yaabaa inay ka xanaaqaan markay arkaan gobolaysigii iyo xisbiyadii oo qabyaaladda ka mid ah. Waa hubaal in qofka Soomaaliga ahi isweydiinayo “Waar ninku miyuu waashay, ma meelihii aannu rabnay inaanu qabyaaladda uga guurro ayuu qabyaalad ku sheegay?” Waa gar in qofka ku jaahwareeray qabyaaladda reernimada ah uu miciin bido siyaabo kale. Micno weyn malaha inaad meel ka guurto oo meel kale u guurto, waxa se micno leh farqiga u dhexeeya faa’iido ahaan halka laga tegay iyo halka loo bedeshay. Ha u qaadan inaan caayayo xisbiyeysiga, degaamaysiga iwm ah oo aan ujeedo in qabiilka lagu fara-adaygo, maya, xaasha taas uma jeedo qoraalkayga nuxurkiisuna kaas maaha. Bal se waxaan doonayaa inaan isku dayo inaan siyaabaha la isku qabyaaladeeyo wax ka iftiimiyo. Haddaan qiso yar oo dhacday oo gobolaysiga ku saabsan tusaale u soo qaadanno. Beri baa waxa socday ciyaarihii gobolada, maalin baa waxa ciyaartii iskaga hor yimid laba gobol oo ay u kala safan yihiin laba wiil oo walaalo ahi. Ciyaartii baa markay muddo socotay wax isku xanaaqay labadii kooxood oo gacanta isula tegay. Labadii wiil ee walaalaha ahaa mid walba waxa gaadhay dhaawac. Gobolka loo martida yahay waxa deggan qoyska wiilasha dhalay, odaygii wiilasha dhalay ayaa loo keenay labadiisii wiil oo dhaawac ah, oo weliba aan midna mid la hadlaynin cadhada ay isu qabaan darteed. Odayga waxa guriga u sii joogtay gabadh yar oo uu dhalay oo ay carruur yaryar oo isku reer ahi intay isugu tageen la dakhray. Odaygii waxa ka soo hadhay “Waar qabyaalad “reer” baa cid kaa dili mooye, qabyaalad “gobol” baa carruurta kaa laynba miyaan meesha soo dhigtay.” Tusaale 2 : Laba nin baa jago isku qabsaday, ka dibna dagaal bay faraha isula tageen, halkaana waxa ka dhashay dagaal safeyn ah oo nin walba reerkii uu ka dhashay baa u soo gurmaday, hubka dhaqanka ee ulaha, bakooradaha iyo ableyda ayaa la isu adeegsaday. Dhimasho iyo dhaawacba waa yimid. Qofkasta oo dhacdadaa maqlaa wuxuu odhanayaa “meeshaa qabyaalad baa ka dhacay?’ Waa run biyo kama dhibcaan ah.Tusaale 3: Haddii taageerayaal labo xisbi ku kulmaan fagaare laga khudbadaynayo, ka dibna laba taageere inta afku ka xumaado ay gacanta isu qaadaan, halkaana taageerayaashii labada dhinac dagaal foodda isku daraan oo khasaare dhinac walba ahi dhaco. Dadka halkaa ku dhinta ama ku dhaawacma waa xaqiiq inay hiil ku dhinteen. Haddaba qofkii hiilka dhulka ku dhintay iyo qofka hiilka xisbiga u dhintay ma aakhiro ayey xisaabtoodu kala duwan tahay? Maxaa se hiil kaga duwan yahay hiil, mar haddii mid waliba dhimasho iyo dhaawac keeni karo? Anigu waxaan odhan lahaa hiilka qabiilka iyo hiilka xisbigu waxay la mid yihiin birtii marna “toorey”la yidhi marna “abley” loogu yeedhay.Tusaale 4: Waagii hore dhulkeenna waxa ka jiri jiray labo kooxood oo waddaaddo ah (Saalixiya iyo Qaadiriya), waxaana ka dhexeeyey xifaaltan. Dood, muran iyo marar la is faro-saaraba arrintu wey ka gaadhay Qaadiriya iyo Saalixiya. Sida aan taariikhda ku hayo waqti ka mid ah xilligii gumaysiga Ingiriiska ayaa Qaadiriya iyo Saalixiyi Burco isu gacan qaadeen, malaha dhaawacyo aan hore uga dhex dhici jirin baa ka dhex dhacay. Sida aan taariikhda ku hayo Xaaji Muuse Igarre ayaa u yeedhay labadii nin ee madaxda ka ahaa labada dhinac. Wuxuu ku yidhi: Waar yaadheheen maxaa maalin walba dadkan walaalaha ah isaga horkeenaysaan? Malaha xaajigu wuxuu la yaabay laba nin oo walaalo ah oo aabbo wada dhalay oo dhiiggu kaga daadanayo u kala hiilinta Saalixiya iyo Qaadiriya. Ogow arrintu qabiil meelna raad kagama laha, maxaa kuu caddeynaya? Labadii wadaad ee ka madaxda ahaa markaa Qaadiriya iyo Saalixiya waxaan filayaa in dadka taariikhda yaqaan ama xilligaa joogay garanayaan, haddaan hoos ugu daadego midkoodna qabiillada Isaaqa ee Burco dega kama soo jeedin. Taasina waxay kuu muujinaysaa sida arrinta Qaadiriya iyo Saalixiyi uga xalayd (fogeyd) qabiil. Qaadiriya iyo Saalixiya uma soo qaadan inaan dhalliilo culimadeenna sharafta leh. Waa iga caariye inaan guud ahaan iyo gaar ahaanba culimada afkayga iyo qalinkayga toona wax kaga sheego. Waxa se keliya ee aan ujeedaa inaan sharxo midabyada qabyaaladdu leedahay.Dadka gobolaysiga iyo xisbiyada wax fiican u haystaa waxay ka fekeraan inta badan dhanka wanaagsan, ee dhanaca xun xisaabta kuma daraan. Fikirka dadkaasi qabaan waa mid wanaagsan. Laakiin goorma ayaa hiilka noocaas ah guul lagu gaadhi karaa? Marka hiilka gobolaysiga, degaan-degaanka, reer-reerka, xisbi-xisbiga ama bahbahda lagu saleeyo hirgelinta caddaaladda iyo xaqa waa guul, waana sax iyo sida loo baahan yahay. Waxa doodda u baahani waxa weeye in laga hadlo sida loo ogaan karo nidaam weliba khasaaraha uu leeyahay iyo sida loo khafiifin karo dhibaatadiisa.Waa la odhan karaa “qabyaaladda gobolaysigu way ka dhib yar tahay ta reer-reerka” waana lagu doodi karaa, laakiin lama odhan karo qabyaaladda (dulmiga) gobolaysiga ama kooxaysigu waa xalaal. Samaantuna waa samaan jidkii la doono ha lagu hirgeliyo’e.Haddaba qabyaalad micnaheedu waa hiil, hiilna waa dood ama ficil iska soo hor-jeedda oo ay sameeyaan tiro labo qof ka badan. Waxaana la odhan karaa hiilka dulmiga ahi waa cudur aanay keenin bakteeriya, fayras iyo noole-yaasha kale ee bukto-keenka ah midna. Waa se qalbi-qallayl iyo damiirka oo ka caydhooba hodantinnimada dhabta ah ee quluubta deeqda iyo garashada saxa ah.Markaa waxaynu odhan karnaa qabyaaladdu waa dulmi, ciddii gashaana waa danbiile. Sidaa darteed waa xumaan ka mid ah kuwa Illaahay xarrimay, qabiilkuna waa astaan ka mid ah kuwa Illaahay xalaaleeyey. Farqiga u dhexeeya qabiilka iyo qabyaaladdu waa kaas.Nuxurka qoraalkaMuhimadda qoraalkani waa in qabiilka, degaamaysiga, kooxaysiga, xibiyeysiga iyo wixii la mid ah loo adeegsado sida saxa ah ee faa’iidadu ku jirto.

No comments:
Post a Comment