Thursday, 28 May 2009

Xogta Puntland


1.1 Taariikhda Puntland
Taariikhda Gobalada Waqooyi Bari oo ilaa Bartimihii 1998 lagu magacaabo Dowlad Goboleedka Puntland ee Somalia, Inkasta oo gumaystaha ka hor bulshada soomaaliyeed aysan lahayn Dowlad dhexe oo dhisan iyo xuduudo cayiman,
Gobolada Waqooyi bari waxay lahaayeen qaab dowladeed oo soo jireen ah, ilaa bilowgii qarnigii 19aad, kuwaas oo lagu magacaabi jiray sida, Boqortooyadii Majeerteenya (1901-1927) oo ka dhisnayd Gobolada bari iyo nugaal, Boqortooyada Mudug (1885-1925), Boqortooyada Sanaag Bari (1896-1925)
Boqortoyooyinkaasi uma dhisnayn qaab maamul dowladeed oo casri ah, laakiin waxay lahaayeen maamul iyo ciidan dhisan oo ilaaliya Nabdgelyada, Arimaha bulshada, iyo siyaasada, Sadexda saldano waxay lahaayeen xiriir ganacsi dhaexdooda iyo mid ay la lahaayeen India iyo gacanka carbeed. Waxay dhoofin jireen Xoolaha nool, Maydi iyo malmalka, Waxayna ku soo bedelen jireen raashin iyo qalab.ganacsigaasi wusuu si gaar ah u horumariyey Boqortooyadii Majeerteeniya qaybtii dambe ee qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad.
Gumaystaha Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa xoog ku qabsaday saldanooyikaas (1923-1927), Kuwaas oo dumiyey qaabkii dhaqaale iyo siyaasi oo jiray.
Gumaysiga Talyaanigu wuxuu si gaar u burburiyey ganacsigii jirey, wuxuuna khasbay in Dalka talyaaniga laga soo dejiyo waxkasta oo ganacsi ah, loona dhoofiyo cusbada, maydiga, mooska kuwaas oo ay dhoofinayaan shirkado talyaani ah lagana soo dejiyo Magaalada Muqdisho.
Burburinta ganacsigii iyo awoodii soo jireenka ahayd ee goboladan waxay waxyeelo weyn u gaysatay dhaqaalihii iyo qaabkii nololeed ee shacabka., sidaa darteed waxay kaliftay inay ganacsatadii iyo xirfadlayaashii goboladan ay u guuraan koonfurta Soomaliya si u helaan fursad ganacsi iyo mid shaqo. Sidoo kale gumaystihii talyaanigu wuxuu si khasab ah ugu musaafuriyey magaalada muqdisho, qoyskii, qaraabadii iyo taageerayashii muhiimka ahaa ee Saldanadii Mudug.Si la mid ah Saldanadii Bariga Sanaag waxaa gumaystaha Ingiriisku ugu masaafuriyey si khasab ah Jasiirada Seychelles .
Burburinta dhaqaalaha iyo minguurinta ay Gumaystayashu u gaysteen saldanooykii soo jiraaka ahaa ee goboladan, waxay ku salaysnayad in laga ilaaliyo bulshada soomaaliyeed kacdoon xornimo doon ah.
Gumaystahu wuxuu dalka ka talinayeen Bartamihii (1920 – 1960), ka dibna dowladahii soomalidu waxay ka talinayeen ilaa 1960-1990
Ka dib burburkii Dowladii Somaaliyeed bilowgii 1991, SSDF oo ka mid ahayd jabhadahii ka soo hor jeeday dowladii markaa jirtay oo keliya ayaa ku sugnayd gobolada markaa la oran jiray Waqooyi Bari hadana ka mid ah gobolada ku bahoobay Dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxdii SSDF oo taageero buuxda ka haysata shacabka, waxay culayska saareen siday goboladan uga daafici lahaayeen xoogaga ka soo duulay koonfurta Soomaliya oo ay horkacaysey jabhada la yiraahdo USC (1991-1993), iyo urburkii Al-itihad oo isku dayey inay xukuntka goboladan si xoog ah ula wareegaan 1992, labada xoogba waa laga adkaaday, guulahaasi waxay SSDF u yeeshay awood siyaaso iyo mid ciidan oo aad looga tixgeliyey soomaaliya inteeda kale.
1.2 DHISMIHII DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND:
Ka dib markii wadatashiyo badan ay yeesheen isimada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool goboladan, ayaa waxaa la go'aansaday in magaalada Garoowe lagu qabto shir loo wada dhan yahay kaasoo ujeedadiisu ay ahayd in la dhiso maamul dowlad goboleed. Islamarkaas waxaas ku soo biiray Gobolada Sanaag iyo Sool oo kula bahoobay Maamulaka cusub Goboladii laysku oran jiray Waqooyi Bari.
Shirkaas waxaa ka soo baxay bartamihii 1998, Dowlad Goboleedka Puntland, taasoo leh sadexda awoodood oo kala ah, Golaha Wakiilada oo dhan 66 Xilibaan oo lab iyo dhedigba leh, Garsoorka , iyo Golaha Xukuumada oo leh Madaxwayne iyo madaxwayne ku-xigeen.
Sida uu qeexayo Xeerka 1aad,. ee axdiga ku meel-gaarka ah ee lagu dhisay Puntland.
Puntland waxa ay ka mid noqonaysaa Dawlad Soomaaliyeed oo habka Federaaliga ah ku dhisan, waxayna wadahadal la geli kartaa qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ah oo aaminsan raadinta iyo ka-mid-noqoshada dawlad soomaaliyeed oo ku dhisan habka federaaliga ah.
Puntland waxay ka kooban tahay todobo Gobol oo kala ah.
Bari
Karkaar
Nugal
Mudug
Sool
Ayn
Sanaag
2. JUQRAAFIGA IYO CIMILADA
2.1 JIHADA AY DHACDO:
Puntland waxay khariidad ahaan dhacdaa Bariga Soomaliya, Waxay xuduudo la wadaagtaa. Galbeedka waxaa ka xiga Gobolada Waqooyi-Galbeed, Waqooyiga Gacanka Cadan , Koonfur-bari waa Bad waynta Indian ocean, Koonfur waa Gobolada dhexe ee soomalia, Koonfur-Galbeedna waxaa ka xiga Wadanka Ethiopia.
2.2 BEDKA DHULKA :
Dowlad Goboleedka Puntland baaxadeedu waa 212,510 Km2, waxay u dhigantaa sadex meelood-meel (1/3) qiyaastii baaxada guud ee Soomaliya.
2.3 CIMILADA:
Cimilada Puntland waa kulayl, Celceliska Cimilada maalintii waxay u dhaxaysaa 27C ilaa 37C, gobolada qaarkood sida Howdka mudug, Gobolka sool, sanaag bari dooxooyinka Nugaal iyo buuralayda bari waxay leedahay hawo furan iyo kulayl dhexdhexaad ah.
2.4 ROOBKA:
Roobka waxaa la helaa xiliyo kala duwan, waxaa lagu qiyasaa 400mm oo roob ah sanadkii, Reer guuraagu waxay inta badan Biyaha ka helaan ceelal iyo harooyin, waxaa jira afar xili oo kala ah

Jiilaal. Bilaha (January – March), Waa qalayl
Gu. (April –June), Waa Xiliga la helo roobka ugu badan
Xagaa. (July – September), Waa Qalayl
Dayr. (October – December), waa xili roobaad Goos -Goos ah

No comments: