udaahaardyo, canbaarayn ba’an, wel wel iyo dabaaldeg ayaa lagu soo dhaweeyay go’aankii ay qaateen shacabka Swiss-ka kadib markii ay maalintii shalay(29.11.2009) u codeeyeen in la mamnuuco Minaaradaha laga taago masaajida Muslimiinta.
Magaalooyinka waaweyn ee dalka Switzerland ee Zürich iyo Bern waxaa isugu soo baxay dad gaaraya boqolaal kuwaas oo muujiyey sida ay uga soo horjeedaan go’aanka ay qaateen shacabka Swiss-ku.
Amnesty International ayaa ku shaagtay natiijada codeynta mid denbi ku ah xoriyada diimeed ee aadanaha, sidoo kale xisbiga Cagaarka ee Switzerland ayaa sheegay in ay dacwad u gudbinayaan Maxkmadda xuquuqda aadanaha ee wadamada Yurub, sidaas si lamid ah waxaa wel wel u muujiyey Hay’adda Qaramada Midoobey qaybtiisa xuquuqda aadanaha xafiiskiida Genève.
Maskuri Abdilah oo ah hogaamiyaha Muslimiinta Induniisiya “Nahdlatul Ulama” ayaa canbaareyn xoogan dusha uga tuurey mamnuucida Minaaradaha ” Arintan macnaheedu waa sida shacabka Swiss-ku u necebyihiin Muslimiinta, ma doonayaan in ay arkaan dad muslimiin ah ku sugan dalkooda” ayuu yiri Maskur.
Sidaas si lamid ah waxaa u canbaareeyay Muftiga dalka Masar Cali Jomaa “Go’aanka mamnuucidda minaaradahu maaha mid ku wajahan xornimada diinta ee waxa loo socdaa waa ururada Islaamka ee dalkaas ka jira” ayuu yiri mar uu u waramaayey warbaahinta Mena.
Saxaafadda Swiss-ka ayaa muujisey welwelka ay arintan ka qabaan joornaalka maalinlaha ah ee Le Temps ayaa qoray ” codeyntii waxa ay soo jiidey cabsi, xagjirnimo” waxa ay ka digtey in arimahaani ay dhawaacaan booska dadka Swiss-ku ay beesha caalamka kaga jiraan.
Joornaalka kale ee , 24 Heures ee xaruntiisu tahay magaalada Lausanne, ayaa ka digay in dalxiiska,ganacaiga, iyo alaabaha Swiss-ku soo saaraan la iska mamnuuco iyada oo sabab looga dhigaayo mamnuucida minaaradaha.
Joornaalka kale ee la yiraahdo Tagesanzeiger ee xaruntiisu tahay Zürich ayaa cinwaan uga dhigay dadka Swiss-ka oo u kala qaybsamay labo “Xadaarad cusub iyo caalaminimo” “Taqliidi iyo wadaninimo”.
Wasiirka arimaha dibadda ee Faransiiska Bernard Kouchner ayaa go’aanka ugu yeeray “mid maanefesto u ah tacasub, waxaana quman in shacabka Swiss-ku deg deg uga laabtaan”.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibadda ee dalka Sweden isla markaasna haya madaxtinimada Midowga Yurub Carl Bildt, ayaa dhankiisa ka canbaareeyay go’aanka.
Halka ay wel welka ka muujinayaan hogaamiyaasha muslimiinta, saxaafadda, iyo ururada xuquuqda aadanaha, waxaa dhankooda dabaaldeg iyo feesto wada xisbiyada dhanka midig ee Yurub.
Xagjirka Faransiiska ah Jean-Marie Le Pen ayaa aad u soo dhaweeyay natiijada doorashada Le Pen ayaa u sheegay warbaahinta AFP, “waa in laga baxaa cabsida la qabo, oo la mamnuucaa dhamaan calaamadaha siyaasadeed iyo kuwa diimeed ee la doonaayo in Yurub laga asaaso”
Sidoo kale Wasiir ka tirsan dawladda Talyaaniga oo lagu magacaabo Reberto Calderoli ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynaayo go’aanka mamnuucida minaaradaha, waxa uu yiri mar uu u waramaayey hay’adda warbaahinta Talyaaniga ee ANSA “Dadka Swiss-ku waxa ay noo soo direen baaq cad kaas oo ah Haa derbiga dheer ee saacaddu ku taalo ee kaniisadda maya Minaaradaha masaajida, waxaa loo baahan yahay wax joojiyaha u qabta siyaasadda muslimiinta ee ku fideysa Yurub”.
Dalka Denmark xisbiga Folk party ayaa sheegay in ay doonayaan in ay isu yimaadaan folketinget si loo meelmariyo cod loo qaado arintan oo kale Hogaamiyaha xisbiga DF gabadha la yiraahdo Pia Kjærsgaard, ayaa sheegtay in ay ku fekereyso sidii loo soo jeedin lahaa hindise kan oo kale ah, waxayse shegtay in loo baahan yahay sadex meelood laba meelood folketinget isku raacaan in ay taageeraan qorshaha codeynta, laakiin xisbiyada kale ee Denmark arintan may qabaan.
Sidey doontaba ha noqotee arintan ayaa muujisey welwel iyo walbahaar kaas oo ay qabaan dadka Muslimiinta ah iyo siyaasiyiinta fur furan ee wadamada Yurub kuwaas oo doonaaya in ay markasta xiriir wacan la leeyihiin dadka Muslimiinta ah, halka wadamada aadka ugu fogaadey nidaamka dimoqraadiyaddu ay u arkaan meelkadhac xoriyada diimeed loo geystey.
Maalintii shalay ayaa shacabka ku dhaqan dalka Switzerlandu codeeyeen hinise ah in la mamnuuco minaaradaha ka taagan Masaajida Switzerland waxaa qorshahan gadaal ka riixayeen xisbiga xagjirka ah ee SPP, waxaana u codeeyay in la mamnuuco minaaradaha 57%, natiijada ayaa noqotey mid aan la fileyn, waxaana sabab looga dhigey dedaalka dheeraadka ah ee ay ku bixiyeen dadka u ololeynaaya in la mamnuuco.
mohamud mire
Thursday, 10 December 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

2 comments:
Max'ed cali dhawaaq says:
December 9, 2009 at 4:26 pm
Mck12@hotmail.com… Runti waxaan ka xunahay waxa kaso yeeray wadana reer galbeedka waana arin fool xun in laga mamnuuco minaarada dalalka caalamka
Dalmar says:
December 8, 2009 at 6:25 pm
Aniga way ila saxan yihiin hadii shacabka Swissku ay sidaa doortaan, yay tahay inay ka hor yimadaan Swissku ma aha dad Muslim ah. Imisa wadan oo Mulim ah baan la ogoleyn in Kanisad laga dhiso. Muslimkii wuxuu noqday umad wada cuqdad iyo tartan diimeed ka buuxdo. Diin sharaf leh baynu leenahay umana ooyeyno in wadan xuna masjid noo diidey, Masjid la’aani kama jirto dunida.
Post a Comment