Kulan balaaran oo lagu maamusaayay maalinta xuquuqda aduunka oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Qoyska Dowlada Puntland ayaa maanta ka dhacday guriga Wasaarada ee Magaalada Garoowe.
Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyin ka kala socday Golaha Wasiirada,Golaha Barlamaankaa Puntland iyo Ururada Bulshada.
Masuuliyinti ka soo qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Barlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi,Wasiirdowlaha maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Gaashaan,Wasiir labaad ee arimaha gudaha Cali Yuusuf Xoosha,Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo arimaha qoyska Xaliimo Cali Warsame iyo masuuliyin kale.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in loo baahanyahay in si wadajir ay maamulka iyo dadweynaha Puntland ay wax uga qabtaan arimaha Xuquuqda Bin’aadamka ka dhanka ah.
Waxaana u intaasi ku daray Gudoomiyuhu in Dowlada Puntland ay heegan u tahay ilaalinta iyo dhowrida xuquuqda Bin’aadamka.
google_protectAndRun("ads_core.google_render_ad", google_handleError, google_render_ad);
Wasiiru-dowlaha maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Gaashaan oo ka mid ahaa masuuliyinti masraxa khudbada ka soo muuqday ayaa u mahadceliyey Wasaarada Haweenka iyo Qoyska Puntland oo ku amaanay qaban qaabada munaasabada iyo sida had iyo goor ay ugu heelan tahay horumarinta arimaha Haweenka iyo Qoyska.
Waxaana u sheegay in Puntland ay ka go’aantahay dhowrida xuquuqda Bin’aadamka iyadoo tixraacaysa qawaaniinta u yaala caalamka ee ku aadan xuquuqda aadanaha.
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Haweenka iyo Qoyska Xaliimo Cali Warsame ayaa iyaduna halkaas ka sheegtay ayna ku dheeraatay howlaha Wasaarada ay ka qabatay arimaha haweenka iyo qoyska.
”Haweenku waa dhextaalka Bulshada,Hooyo kastana waxaa ay u baahantahay tixgelin sida daraadeed waa in la qiimeeya hooyada lagana ilaaliya tacadiyada”,ayay tiri.
Si kastaba Maalinta Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta si weyn looga xusay caalamka
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment