Thursday, 10 December 2009

Magacaabista Maxamed Faroole oo sii kordhisay walaacii horay loo qabey

Madaxweynaha dawladda Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa wareegto uu xafiiskiisa ka soo saaray maalintii Axadda (29/11/2009) la taliye dhinaca saxaafadda ah oo ay dawladdu yeelato ugu magacaabay isla wiilkiisa Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole taas oo noqotay warkii ugu dareenka badnaa toddobaadkan.

Waa dhab in ay suurta gal tahay in Maxamed Cabdiraxmaan uu xilkaas u qalmo sidoo kalena uu xaq u leeyahay in xil loo magacaabo hase yeeshee meesha lagu magacaabay ayaa ah gole ceebeed, marba haddii horay inankaas loogu xaman jirey in uu dhegta wax ugu sheego aabbihiis isla markaasna uu fara gelin ba’an ku hayo maamulka.

Gaar ahaan saxafiyiinta Puntland ayaa sas iyo walaac hor leh ka muujiyey arrintan, halka qaarkood ay sheegeen in warkanu uu ku noqday dhul-gariir naxdin ah, maaddaama Maxamed Cabdiraxmaan oo isaga laftuusu suxufi ah horay loogu eedeeyey in uu maamulkii iyo saxaafaddii amaba saxafiyiintii iska hor keenay.

Doc kale haddii laga eego Madaxweyne Faroole uma wanaagsanayn in uu wiilkiisa jagadan u magacaabo iyadoo loo arki karo ansixin iyo sharciyayn cilladaha wiilkiisa, waxanay dhabbaha u xaareysaa in uu ku amar ku taagleeyo saaxaafadda iyo dadka ka hawl gala intaba.

Waxaa kale oo ay magacaabisani daaha ka rogeysaa in odaygu uu u dhaqmayo sidii boqortooyooyinka iyo keligood taliyayaasha oo xubnaha qoysaskooda ku xardha jagooyinka ugu muhiimsan qaranka.

Muxiyadiin Hiirad Kaatun oo aan arrintan kala sheekaystay ayaa ii sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xil magacaabista Maxamed C/raxmaan faroole oo buu yiri u dhiganta “maandhow wiilasha wax qorqora iyo kuwa hadla ii soo basaas oo soo xirxir, saxafiyiinna u aqoonso inta i taageersan”.

Anigu shakhsiyan kamamid ihi ddaka walaacaas qaba waayo wiilka madaxwaynuhu xilwuuqabankaa maxaayeelay waa nin muwaadin ah maaha in shaqadiisa lagu xiro aabihii waxase la taliyaha la magacaabay sidatan
* * In uu karti iyo furfurnaan muujiyo oo uu dawladda Puntland iyo saxaafadda Puntland xiriir iyo wada shaqayn hor leh u sameeyo si shakigu u baxo.

No comments: