Masuul sare oo ka tirsan Jaamacada Carabta ayaa wakaalada wararka ee Al-sharqalawsat u sheegay in dawlada boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ugu deeqday dawlada Soomaaliya deeq lacageed oo gaaraysa 18 malyuun oo doolar, iyadoo sidoo kalena ka qabqaadanaysa kaalmadii dhaqaale ee lagu balan qaaday shirkii Doha.
Samiir Xusni madaxa iskaashiga wadamada carabta iyo Africa isla markaana ah masuulka jaamacada carabta u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawlada boqortooyada Suucidigu ay keligeed deegdaas lacageed bixinayso.
Masuulkan waxa uu sidoo kale sheegay in taasi ay muujinayso sida jaamcada carabta ay uga go’antahay in ay taageeraan shacabka Soomaaliyeed ee dagaalada ku soo dhexjiray ilaa sanadii 1991-dii.
Samiir Xusni ayaa sidoo kale sheegay in wadamo kale oo ka tirsan jaamcada carabta sida Libya, Aljeeriya, Masar iyo Imaaraatka carabta ay diyaar la yihiin deeq lacageed oo ay ugu yaboohaan dawlada Soomaaliya.
Wakiilka Jaamacada carabta ee dalka Soomaaliya Samiir Xusni oo ka qabgelayay shirkii deeqda lacageed loogu ururinayay dalka Soomaaliya ee lagu soo gebagebeeyey magaalada Brussels ee dalka Biljam ayaa ku tilmaamay shirkaas mid muhimad u leh shacabka Soomaaliyeed iyo dawlada cusub oo ay beesha caalamku u aragto in ay tahay mid isbedel kasamayn karta gudaha Soomaaliya.
Samiir Xusni waxa uu sidoo kale ka hadlay xiriiro ay jaamacada carabtu la samaynayso QM, midawga Yurub iyo midawga Africa sidii loo qaban lahaa shir dib loogu dhisamayo dalka Soomaaliya oo ay jaamcada carabtu qabanqaabinayso, iyadoo shirkaasina uu ka dhacayo xarunta jaamcada ee magaalada Qaahira.
Shirkaas ayaa la filayaa in la qabto sanadkan gudihiisa iyadoo ay gacan wayn ka gaysanayaan Bankiga Islaamka iyo ururka isutaga islaamka.
Masuulka jaamacada carabta u qaabilsan dalka Soomaaliya Samiir Xusni ayaa ka hadlay halka ay ku danbayn doonto deeqda lacageed ee lagu ururiyay shirkii lagu soo gebagebeeyey magaalada Brussels ee dalka Biljam.
Samiir Xusni ayaa sheegay in ay khaladtahay in la sheego in deeqdaas lacageed ee gaaraysa $250 malyuun gacanta laga saari doono DKMG ah ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in deeqdaas lacageed loo gudbin doono QM halkaas oo ay iyadu ay ku bixin doonto ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho iyo ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya.
Dhinaca kale madaxa ciidamada nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho Jeneral Francis Ocilla, ayaa sheegay in ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan Muqdisho oo tiradoodu gaarayso 4,000 ee askari ay sii wadi doonaan hawsha ay joogaan magaalada Muqdisho.
Madaxa ciidamada nabad ilaalinta ee magaalada Muqdisho waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamadu aanay si deg deg ah uga bixin doonin dalka Soomaaliya isla markaan ay gacan siinayaa dawlada uu madaxwaynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Hadalka masuulkan ka tirsan ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa imanaya iyadoo hogaamiyaha mucaaradka Soomaaliya Shiikh Xassan Daahir Aweys uu ku baaqay in ciidamada Africa ay ka baxaan dalka Soomaaliya.
Shiikh Xassan Daahir Aweys oo mudo labo sano ah dalka diba uga maqnaa ayaa shalay dadka reer Muqdisho meel fagaare ah kula hadlay.
Jaamacada carabta ayaa dhiniceeda soo dhowaysay dib ugu noqoshada Shiikh Xassan Daahir Aweys ee magaalada Muqdisho, waxayna ugu baaqday in uu ka qabqaato dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Shiikh Xassan Daahir Aweys oo ahaa madaxii golaha Shuurada ee midawgii maxkamada islaamka ayaa dalka iska baxay dhamaadkii sanadii 2006-dii markii ciidamadii Ethiopia ee gacanta siinayay DKMG ah ee Soomaaliya ay gudaha dalka Soomaaliya soo galeen.


No comments:
Post a Comment