
adaxweynaha Dowlada Midnimo Qaran ee Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda dowlada ee Xamar ku sugan.
Shiikh Shariif Axmed ayaa dib uga soo noqday safarkii uu ku tagay magaalada Doxa ee Qatar, halkaasi oo uu ka dhacayey shirweynihii Jaamacada Carabta.
Shariif Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Airporka Muqdisho kusoo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiir iyo Xildhibaano badan.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa la geeyey Xarunta Villa Soomaaliya, halkaasi oo uu Shiikh Shariif Axmed warbixin kaga dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka waramay xaalada uu dalka ku sugan yahay.

No comments:
Post a Comment